Hub farabadan oo Muqdisho lagu qabtay

Baydhabo (KON) - Waxaa Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho howlgallo lagu xiray ila iyo 20 Qof oo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen falal amni darro ah oo magaalada ka dhacay.
Warar Keydmedia Online
Hub farabadan oo Muqdisho lagu qabtay

Howlgalkaan oo ay sameeyeen Ciidamda Nabadsugida Qaranka iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay Hub farabadan.

Howlgalada ayaa ka dhacay Degmooyinka Xamarweyne, Waaberi, Hodan iyo Dharkeyleey.

Hubka lasoo qabtay ayaa ahaa AK47, Walxaha Qaraxa iyo Bistoolado, sidoo kale labo gaari oo lasoo xaday ayaa lasoo qabtay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho