Human Rights Watch oo Eedeyn dusha ka saartay Kenya

London (Keydmedia) - Sida Badan Human Rights Watch wax weyn kama tiraahdo arimaha Soomaaliya Hase yeeshee waxaay markaan soo Saartay Eedeysay ku wajahan Ciidamada Booliska iyo kuwa mileteriga Kenya inay xabgudubyo baahsan u geysteen dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi bari ee Kenya.
Warar Keydmedia Online
Human Rights Watch oo Eedeyn dusha ka saartay Kenya

Warbixinta ayeey Human Rights Watch ku sheegtay in ciidamada xarig aan kala sooc laheyn iyo jir dil ay kula kacaan qaxootiga iyo dadka shacabka ah ee gobolkaasi ku nool, iyadoo intaasi raacisay inay weli ay sii socdaan tacaddiyadaas.

Human Rights Watc ayaa xustay in bilihii November iyo December ee sanadkii hore iyo bishanba markii ay qaraxyo ka dhaceen magaalooyinka Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer ay ciidamada Kenya xireen boqolaal qof oo rayid ah, kuwaasoo la garaacay, si xunna loola dhaqmay.

Waxaay kaloo ay tilmaamtay in qaxootiga xeryaha Dhadhaab ay yihiin kuwa ugu badan ee la beegsado, taasoo ay ku sheegtay inaysan aheyn istaraatiijiyad amni in maatada la waxyeeleeyo.

Keydmedia.net