ICJ, oo birri soo gabagabeyneysa dhageysiga dacwada badda

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa birri galab markii Saddexaad, Afar maalin gudahooda u fariisaneysa dhageysa dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Warar Keydmedia Online
ICJ, oo birri soo gabagabeyneysa dhageysiga dacwada badda

THE HAGUE, Netherlands – Maxakamadda ICJ, ayaa birri galinka danbe dhageysan doonta markii saddexaad dacwada badda Soomaaliya ee Kenya ay damacday in ay boobto.

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in Maxakamdu ku soo war galisay in Soomaaliya ay birri u soo diyaar garowdo dhageysiga dacwada markii Saddexaad.

“Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Galinka danbe ee birri ayaa la soo gaba gabeyn doonaa dhageysiga dacwada Soomaaliya, wixii markaa ka danbeeyana waxaa la sugi doonaa go’aanka Maxakamadda.

Dalka Kenya ayaa codsay in qareenadiisu ku soo biiraan dhageysiga dacwada, gudbiyaanna gal dacwadeed-kooda, hayeeshee Maxakamadda ayaa ka diiday dalabkooda, sida lagu sheegay war lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.