Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kenya ayaa ku guul-dareysatay dalabkeeda in markii 4aad dib loo dhigo dhageysiga dacwadda Badda oo 2014 ay dowladda Soomaaliya u gudbisay ICJ.
MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda [ICJ], ayaa soo saartay Maanta qoraal ay ku sheegtay in aan dib loo dhigi doonin dhageysiga Dacwadda muranka Badda, oo dhacaya 15-ka bisha March 2021.
Go'aankan ayaa dhabar-jab ku ah Kenya oo codsatay dhawaan in markii 4aad dib loo dhigo dhageysiga, iyadoo ku andacoonaysa in Soomaaliya dowladdii ka jirtay ay dhacday, islamarkaana ay sugeyso dowlad cusub inta laga dhisayo.
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka mudo-xileedkiisu dhamaaday Mahdi Maxamed Guuleed oo go'aanka Maxkamadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in waqtigii lagu ballamay ay ku dhacdo dhageysiga oo qaabka ZOOM lagu qaban doono.
Sanadkii hore, waxay Kenya ku marmarsiyootay Cudurka COVID-19 iyo inaysan diyaar ahayn Kooxdii qareenada ee ku matali lahayd doodda Maxkamadda.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.
Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah, oo ku jira shidaal aad u badan, oo labada dal ku loolamayaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments