ICJ oo mar kale ku celisay xilliga uu soo baxayo go’aanka badda

Kenya markii ay ogaatey in looga adkaadey kiiska badda, ayay billowday inay saldhig ka dhisto Lamu, oo ku aadan cabirka xuduudda badda Soomaaliya, waxaana dhamaadkii September, xarigga ka jaray Uhuru Kenyatta.

Warar Keydmedia Online
ICJ oo mar kale ku celisay xilliga uu soo baxayo go’aanka badda

HAGUE - Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, oo ah hay'adda ugu weyn ee garsoorka ee Qaramada Midoobay, ayaa mar kale, ku celisay, waqtiga ay ku dhawaaqi doonto, go’aanka kama danbeysta ah ee la xariira kiiska badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Maxakamadda, oo qoraal kooban soo dhigtay degelka ay ku leedahay twitterka, ayaa mar kale ku celisay in ay xukunkeeda soo gudbin doonto 12ka Oktoobar 2021, oo berri ku began, saacadda 3pm, waana xilligii ay maxakamaddu hore u sheegtay, 24 September 2021.

“XASUUSIN, ICJ waxay ku dhawaqi doontaa xukunkeeda kiiska khuseeya xadaynta badda Soomaaliya VS Kenya,  berri oo Talaado ah, kuna beegan 12ka Oktoobar 2021, saacaddu markay tahay 3 galabnimo”. Ayaa lagu yiri, warka dhawaan ka soo baxay ICJ.

Ku dhawaaqista go’aanka la xariira kiiskaan, wuxuu ka dhici doonaa, dhisme sharciyeedka caalamiga ah oo ku yaal Hague, Netherlands, kaas oo loo yaqaan The Peace Palace, Madaxweynaha ICJ, Garsoore Joan E. Donoghue, ayaana akhrin doonta go’aanka Maxkamadda.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxuu haatan socdaa ku dhawaad 15 sano, laga soo billaabo mark la saxiixay MOU, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Kenya waxay doonaysaa in xudduudka laga cabiro dhanka bariga, oo ku began koonfur bari magaalada Kyunga, halka Soomaaliya ay dooneyso in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka.

Kenya oo ku baraarugtay in kiisku uu galay gacan caddaalad ah, ayaa ICJ, billowgii sanadkaan ka codsatay in dhageysigii dacwada ee dhacay bishii March, dib loo dhigo, taas oo la micno ahaan lahayd in gar-maqalku dib u dhaco markii 4-aad Kenya awgeed.

Hayeeshee, Maxkamadda, oo ku adkeysatay in dhageysiga kiiska uusan dhaafi doonin xilliga loo qorsheegay ayaa sababtay, in Kenya ka qeyb gali diiddo dacwada, ka hor inta aysan si buuxda ugu dawaaqin in aysan aqoonsaneyn ICJ todobaadkii hore.

Xukunkan ay gaarto Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, rafcaan lagama qaadan karo, maadaama aysan jirin heerar kale oo maxkamdeed, laakiin fulintiisa waxay ka go'daa Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Waddanka, Kenya, wuxuu ka mid yahay dalalka ay Ciidamada AMISOM, ka joogaan Soomaaliya, askarta Kenya ee ku sugan dalka waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 4,000, kuwaas oo tacadiyo kala duwan lagu eedeeyay inay ka geysteen Gedo iyo meelaha ay ay ka howlgalaan, iyagoo duqeymo ku laayay dad iyo duunyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.