ICJ oo soo afjaraysa Dhageysiga Dacwadda Muranka Badda

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday Shalay galab inay Maanta oo Khamiis ah soo afjarayso dhageysiga Dacwadda Muranka Badda.

Warar Keydmedia Online
ICJ oo soo afjaraysa Dhageysiga Dacwadda Muranka Badda

HAGUE - Maxkamadda ICJ ayaa maanta, 3 p.m. la filayaa inay soo gaba-gabayso dhageysiga Dacwadda Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada u doodaya Soomaaliya ayaa jeedin doono dood-afeedkii ugu dambeeyay ee ku aadan Muranka Badda, iyadoo kadib lasoo xirayo fadhiga oo billowday 15-kii bishan.

Kenya ayaa iska diiday inay ka qeybgasho dhageysiga, iyadoo sheegtay inay cadaalad darro ka jirto kiiska iyo in loo diiday codsiga in mar 4aad dib loogu dhigo kiiska, maadaama uu saameyn ku yeeshay COVID-19 diyaar-garowgeeda.

Muranka Badda ayaa soo jiitamayay tan iyo 2009, waxaana muuqata in Kenya aysan haysan dood sharci ah oo ku sheeganayso badda Soomaaliya, maadaama ay daqiiqadii ugu dambeeyay ay ka hartay Maxkamadda.

ICJ ayaa la filayaa in dhageysiga kadib ay soo saarto go'aanno kama dambeys ah oo ku shaacinayso cida leh Badda lagu muransan yahay, waxaana loo gudbin doonaa Gollaha Amaanka oo Maxkamadda hoostagto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.