ICJ oo soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda

Maxkamada Cadaallada Aduunk ICJ ayaa soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
ICJ oo soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxakamadda ay taallo dacwada badda Soomaaliya ee muranka ay galisay Keynya ayaa soo saartay jadwalka xilliyada uu dhacayo dhageysiga dacwada.

Dhageysiga dacwada waxaa loo madlan yahay inuu billowdo isniinta nagu soo food leh oo ku beegan 15-ka bisha Maarso 2021.

ICJ , waxa ay u asteysay wareega koowaad ee dhageysiga dacwada in uu billowdo, Isniin 15 Maasro 2021,  3 PM.-6 MP iyo Talaado 16 Maarso 2021, 3 PM-4.30. waxaa la dhageysan doonaa qareenada Soomaaliya.

Khamiis  18 Maarso 2021 3, p.m.-6 p.m. iyo Jimco 19 Maarso 2021, 3 p.m.-4.30 p.m. waxaaa la dhageysan doonaa qareenada Kenya.

Wareega Labaad ee dacwada, Isniin 22 Maarso 2021, 3 p.m.-6 p.m. waxaa mar kale la dhageysan doonaa Soomaaliya, halka Arbaco, 24 Maarso  2021, 3 p.m.-6 p.m. la dhageysan doono Keynya.

Guddiga ay Dowladda Soomaaliya u xil saartay dacwadaan ayaa hadda ku sugan dalka Holland oo ay ku taallo Maxakamadda Cadaaladda addunka ee ICJ.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.