IGAD oo war kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD ayaa war kasoo saaray xaaladda cusub ee Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
IGAD oo war kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadal-qoraal oo ka soo baxay urur gobaleeka IGAD ayaa lagu shaaciyey in loo baahan yahay in doorashada Soomaaliya ay ku dhacdo xilligii loo qorsheeyey ee ahaa muddo 60 cisho gudaheeda.

Golaha wadatashiga qaran ayaa waxay kulankoodii la soo gebagebeeyey bishii May 27-dii  waxay isku raaceen in xilliga doorashooyinku noqdaan muddo 60 maalmood gudahooda ah taasoo umuuqata mid aan suurtagal noqon karin xilligan marka loo eego muddada uharsan oo ah wax ka yar hal bil.

Shirka ay isugu yimaadeen urur Goboleedka IGAD ayaa lagu shaaciyey inay lama huraan tahay inay doorashada madaxtinimada Soomaaliya noqoto mid nidaamsan, nabadeed, hufan, daah-furan, laguna kalsoonaan karo. Bayaanka ayaa laga soo saaray Shirkii 72-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah  urur-gobaleedkaasi

Bayaanka ayaa lagu bogaadiyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, Ra'iisul Wasaarihiisa Rooble, Shanta Madaxweyne Dowlad-gobaleed iyo Murashixiinta oo Is-afgarad ka gaaray nidaamka doorashooyinka soo socda.

Nuxurka hadalka kasoo yeeray urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu yahay in aysan la dhacsaneyn arrinta u muuqata muddo ku darsashada dadban ee ay gadaal ka riixayaan madaxda xilka uu ka dhammaaday ee weli talada dalka haya, waxaana si cad looga soo hor jeestay in muddo kale oo dheeri ah loo baahdo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.