IGAD oo xil u magacaawday aqoon yahan Nuur Maxamuud

Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD, Dr Workneh Gebeyehu ayaa manta Afhayeenkiisa u magaacay Mudane Nuur Maxamuud Sheekh.

Warar Keydmedia Online
IGAD oo xil u magacaawday aqoon yahan Nuur Maxamuud

DJIBOUTI – Djibouti, Nuur Maxamuud Sheekh oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay xilka afhayeenka Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD, Dr Workneh Gebeyehu.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxaday IGAD, Nuur Maxamuud Sheekh ayaa lagu doortay, qibradda Sodonka sano ku dhow ee uu u leeyahay diblomaasiyadda, dhexdhexaadinta, ilaalinta qaxootiga, iyo arrimaha bani'aadamnimada.

Magacaabistaan ​​ka hor, Nuur wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale la shaqeeyey Ergeyga Gaarka ah ee IGAD ee Koonfurta Suudaan halkaas oo uu ka mid ahaa kooxdii dhexdhexaadinta ee horseeday heshiiskii nabadeed ee la gaaray Sebtember 2018.

Sida uu sheegay Dr Workneh, Nuur Maxamuud wuxuu hore ula soo shaqeeyay ururada IGAD, AU, EU iyo UN.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.