IIraan oo gargaar-kii ugu badnaa ka soo dajisay Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Dowlada Iiraan ayaa soo gaarsiisay Muqdisho sahay gargaar oo aad u badan taasoo loogu tala galay Shacabka abaarta ay saameysay ee ku nool Dalka.
Warar Keydmedia Online
IIraan oo gargaar-kii ugu badnaa ka soo dajisay Muqdisho

Markab weyn oo sida raashiin noocyo kala duwan leh kana soo shareecday Dekadaha iiraan ayaa shalay ku soo xirtay dekada Muqdisho, waxaana iminka lagu bilaabay in la dajiyo markabkaasi.

Horay dekada Muqdisho waxaa ugu soo xirtay maraakiib kala duwan oo sahay gargaar u wada shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ay saameysay.

Horay dekada Muqdisho waxaa ugu soo xirtay maraakiib kala duwan oo gargaar u waday shacabka abaarta laakiin dadka soomaaliyeed ee abaarta ay saameysay wali ma heli gargaarkii ay u baahnaayeen.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho