Ikraan dhimataye maxaa dhiman?

Keydmedia Online, waxa ay dhawaan daabici doontaa warbixinno la xariira jariimooyinkii iyo gabbood falladii ay galeen, (Kooxda Fidnada) ee Farmaaajo, Rooble, iyo Kheyre.

Warar Keydmedia Online
Ikraan dhimataye maxaa dhiman?

MUQDISHO, Soomaaliya – Keydmedia Online, oo xiganeysa ilo sir-doon oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa taliska NISA,  ayaa baahisay 16 July 2021, in la khaariyay Ikraan Tahliil Faarax oo caawa ay NISA xaqiijisay geerideeda, waxayna xilligaas qortay KON, in uu dilkeeda masuul ka ahaa Fahad Yaasiin oo u aaneeyay xog ay ka heysay habkii ay Fahad, Kullane iyo Zakaraye u khaariyeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ING: Yariisow.

Sidoo kale, 22 July 2021, waxa ay KON, qortay, hadal ay ka soo xigatay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo ka mid ah shaqsiyaadda ugu xogta heli og, Baarlamaankii waqtigu ka dhamaaday, kaas oo sheegay in qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil ay maleegeen Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, isla-markaana uu fuliyay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey.

Xilligaas Xildhibaan Mahad iyo Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Gen Cabdalla Cabdalla, waxa ay sheegeen in Taliska NISA, qorsheeyeen in la qariyo dilka Ikraan, hasayeeshe markii uu warku bannaanka u soo baxay uu Fahad Yaasiin, xiriir la sameeyay Al-Shabaab, si ay u sheegtaan afduubka iyo dilka dhibanaha, hayeeshee ay ka biya diideen masuuliyiin Ikraan ku heyb ah oo ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-qaacida.

Hadaba, maadaama hore loo ogaa in aabaha Argagixisada Soomaaaliya uu Al-Shabaab oo shirko la ah uu u saarin doono dilka Ikraan, maxaa la gudbood Ra’iisul Wasaare Rooble?

Indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedaan tallaabada uu qaadi doono Rooble, waxaana looga fadhiyaa inuu si buuxda ula xisaabtamo Fahad oo la rumeysan yahay in uu yahay fidno dalkaan loo soo diray.

Keydmedia.net, waxa ay dhawaan daabici doontaa warbixinno la xariira jariimooyinkii iyo gabbood falladii ay galeen, (Kooxda Fidnada) ee Farmaaajo, Rooble, iyo Kheyre.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.