Ilaalada Deni oo ka degay Muqdisho

Ciidanka ilaalada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo gaarey Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Ilaalada Deni oo ka degay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka ilaalada Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa Maanta ka degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Askarta oo wata hubka culus ayaa ku yimid diyaarad gaar ah, waxayna ku sameeyeen Garoonka wax u eg dhoola-tus iyagoo kusoo bandhigay cududooda militeri.

Maalmo kahor waxaa sidan sameeyay ilaalada Axmed Madoobe oo Garoonka Muqdisho kasoo degay iyagoo wata hub culus. Madaxda Maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle ma sameeyaan sidan, waxay yimaadaan Caasimadda dalka iyagoo kaligood ah.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu saacadaha soo aadan Muqdisho soo gaaro, iyadoo la xiray wadooyinka muhiimka sida inuu soo socdo wafdi caalami ah.

Tani waxay muujinaysaa is-aaminaad la'aanta madaxda dalka, oo kala shakiyay islamarkaana midba midka kale iska ilaalinayo inuu shirqoollo.

Shir ay Beesha caalamka kasoo shaqeysay oo looga hadlayo khilaafka doorashadda, ayaa lagu wadaa in berri ama maalmaha kale ee Isbucaan inuu ka furmo xarunta Afisyooni, oo ku dhaw Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.