Ilmo xadista oo kusoo batay Magaalada Muqdisho

Waalidiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo dersay cabsi iyo walwal aad u xooggan.

Warar Keydmedia Online
Ilmo xadista oo kusoo batay Magaalada Muqdisho

Waa naxdin iyo walaac cusub, magaalada Muqdisho waxaa xilligan kusoo batay xadista caruurta, iyadoo maalin walbo aad maqleyso Tobaneeyo caruur ah oo la baafinayo.

Cabsida ayaa timid kadib markii la sheegay in magaalada ay soo galeen dad xada caruurta kadibna sii iibsada.

Aamino Cabdi, waxay inoo sheegtay iney goobjoog u ahayd Nin xaday gabar yar oo 5 sano jirta, balse ay dadka ku dhaqan degmada Hilwaa qaarkood kasoo dhigeen.

"Aniga ayaa arkay nin dafay gabar yar, laakiin waxaa qeyliyey caruur la socotay sidaas ayaana looga soo dhigay" Ayee tiri ayadoo u warameyso Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho.

Sidoo kale, Ifraax Abukar oo iyana ku sugan degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxay inoo sheegtay in wiil deriskooda laga waayey markii dambe laga soo qabtay iyadoo xuduudda Dhoobley ay Labo nin kala gudbayeen.

Shacabka Muqdisho ayaa cabsi xooggan lasoo deristay, waxaana qof walbo uu la baqayaa caruurtiisa, waxaana yaraaday caruurta banaanka ku ciyaarta ama dugsiyada kaligood loo dirayey.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa horaantii bishan waxa ay gacanka ku dhigeen Labo Nin oo sii watay Gabar ay reerkeedu muddo weysanaayeen.

Maalin walbo, ugu yaraan Saddex dhacdo oo ku saabsan ilmo xadista ayaad ku arkaysaa iyadoo lagu baafinayo baraha bulshada, mana jirto wax ay ka qabteen ciidanka DFS.

Samiira Xuseen Xasan C/laahi oo ah Hooyo Soomaaliyeed ayaa muddo Todobaad ah ku xiran CID, sababta loo xirayna waxay ahayd badbaadinta gabar ay dhashay oo haweeney ay dooneysay iney xaddo.

Xubno ka tirsan CID ayaa ka dalbaday qoyska Samiira iney bixiyaan lacag dhan Shan Kun oo doolarka Maraykanka ah si loo sii daayo, iyadoo gacanta laga bixiyey qofkii ilmaheeda qaadan lahaa.

Hay'adihii ammaanka ee arrimaha sidan oo kale ah wax ka qaban lahaa ayaaba ah kuwo laaluush qaadanaya, mana jirto shacabka cid ay amni u doontaan, iskaba daa in caruurtooda loo badbaadiyee.

Waxaa la aaminsan yahay in caruurtan marka la xado laga gato ajaaniib qaarkood lagu sheegay iney ku sugan yihiin xerada Xalane, waxaana caruurtaas lagala baxaa xubnaha jirkooda ee muhiimka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.