Imaaraadka oo joojiyay Dal ku galkii uu siin jiray Soomaalida

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa joojisay dalka ku galkii ay siin jirtay 12-dal oo Soomaaliya ay ku jirto.

Warar Keydmedia Online
Imaaraadka oo joojiyay Dal ku galkii uu siin jiray Soomaalida

NAIROBI, KENYA - Isu tagga Imaaraadka ayaa shaaciyay in si KMG ah ay u joojisay dalka ku galkii ay siin jirtay 12-dal oo Soomaaliya ay ku jirto.

Sababta ugu weyn ee loo joojiyey dalka ku galkaan in la siiyo wadamadan ayaa lagu sheegay sababo la xiriirta cudurka COVID-19 oo dunida dib ugu soo Laba kacleeyay.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka uu COVID-19 kusoo laba kacleeyay, waxana labadii todobaad ee la soo dhaafay Soomaaliya laga helay 150 kiis sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, inkastoo tirada saxda ah ay intaas ka badantahay. 

Imaaraadka ma uusan sheegin waqtiga ay dib u fasixi doonto bixinta dal ku galkeeda, maadaama ay jiraan dad Soomaaliyeed oo halkaasi u tago howlo Ganacsi.

Ka sokow Cronavirus, Imaaraadka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad u xumaa xiriirkooda wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo oo la saftay Qatar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.