Imaaraadka Carabta: Sharci u dajinta Isgaarsiinta Soomaaliya oo laga dooday

Dubai (KON) - Shir looga hadlayey sharci u dajinta Isgaarsiinta Soomaaliya oo ay kasoo qaybgaleen wafdi ka socda dowladda, Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed iyo xubno ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Adduunka ayaa Maantay lagu soo Gaba-gabeeyay Dalka Imaaraadka Carabta.
Warar Keydmedia Online
Imaaraadka Carabta: Sharci u dajinta Isgaarsiinta Soomaaliya oo laga dooday

Shirkaan ayaa kasoo qabgalay hay’adda Isgaarsiinta adduunka ee ITU iyo GSMA, wafdi uu Hogaamiyo Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, C/laahi Ciilmooge Xirsi iyo Shirikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed.

Shirkaan oo ujeedadiisu ahayd sidii Sharci loogu dajin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya oo aan sharci la hayn tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa Maantay lasoo afjaray.

Adeega isgaarsiinta Soomaaliya ayaa la sheegay inay in ka badan 4.7 million Soomaali ah isticmaalaan, Dowladduna waxey doonaysaa inay bilowda Canshuur qaadis.

Dowladda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ayaa isku afgartay in in muddo gaaban gudahood la meel mariyo Sharci ay kuwada dhaqmaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay bishii December ee sannakii hore xubin buuxda ka noqotay hay’adda isgaarsiinta adduunka ee loo yaqaano INTERNATIONAL TELECOMMUNICATION UNION (ITU).

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi | Photo: Hiiraan Online