Imaaraatka Carabta oo wakiil usoo magacawday Somaliland

Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa wakiil cusub usoo magacaabay maamulka Somaliland ee ku dhawaaqay gooni isu-taagga Soomaaliya inteeda kale

Warar Keydmedia Online
Imaaraatka Carabta oo wakiil usoo magacawday Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Dowladda isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa wakiil cusub usoo magacawday maamulka Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee loo soo magacaabay inuu ufadhiyo dowladda Imaaraatka.

Wakiilkan cusub ee ay dowladda Imaaraatku soo magacawday ayaa si rasmi ah u fududeyn doona howlaha xiriirka labada dhinac, waxaana uu wakiilku sheegay inuu ku faraxsan yahay in laga guddoomo waraaqadaha aqoonsiga, sidoo kalena uu si gaara uga mahad celinayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku soo dhaweeyay aqalka Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraat oo xumaaday aawadeed ayey dowladda Isu-tagga Imaaraatka carabtu u wareegatay in ay xiriir la sameysato maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 29 November 2021 4:48

12-kii April, markii Farmaajo, samaystay muddo kodhitii labada sano, [Sharci-darro], Beesha Caalamka, lama imaan qorshe cad, waxa ay kaliya ku celceliyeen, in dib-u-dhac doorasho, mid is-barbar socota iyo muddo kordhin aan la aqbali doonin.