Imisa qof ayaa ku barakacday Fatahaadda Afgooye?

Ibraahim Cumar Qaasim, oo ah gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa sheegay in wabiga maalintii 7aad uu ku fatahayo xaafadaha, taasoo keentay in 6 kun oo qof ay barakacaan.

Warar Keydmedia Online
Imisa qof ayaa ku barakacday Fatahaadda Afgooye?

AFGOOYE, Soomaaliya - Labo caruur ah ayaa ku dhimatay fatahaad uu ku sameeyay wabiga Shabeelle degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha, halkaasi oo dadka degan ay sameynayaan barakac xoog leh.

Ibraahim Cumar Qaasim, gudoomiyaha degmada ayaa wuxuu walaac ka muujiyay fatahaadda sii socota, oo uu sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay xaafado hor leh gaareyso, iyadoo aan jirin gurmad ay helayaan dadka shacabka ah, ee go'doonsan.

Wuxuu tilmaamay in inta u dhaxaysay 6 illaa 7 kun oo qof inay todobaad gudihiisa uga barakaceen degmada, kuwaasoo u cararay degaanno ku yaalla gobolka, oo aan wali fatahaaddu gaarin. Gudoomiyaha ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed, Dowladda iyo Hay'adaha caalamiga inay Afgooye ay gaarsiiyaan gurmad deg deg ah.

Dadkan baraacay ayaan haysan cunto, hoy iyo biyo nadiif ah, oo ay cabaan, waxayna jiifaan banaanka oo ka jira qabowga iyo roob aan kala joogsi lahayn, sida uu sheegay Ibraahim.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay nus Milyan doollar ugu deeqday Afgooye, balse ma jirto cid kale oo hadda tallaabo la taaban karo qaadey si loo badbaadiyo shacabka dhibaateysan, ee guryahoodii iyo dalagoodii beeraha ay biyaha baabi'iyeen.

Roobab mahiigaan ah ayaa mudooyinkii dambe si aad ah uga da'aya qeybo kamida ah dalka, iyadoo taasii ay sababtay in wabiga Shabeelle uu qararka jabsado, islamarkaana uu ku fataho degaanada iyo degmooyinka uu maro, ee Koonfurta Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.