Kumanaan Arday oo u fariisatay Imtixaanadka midaysan ee Dugsiga sare

In ka badan afartan kun oo dhallinyaro Soomaali ah ayaa u fadhiya Imtixaanaadka Qaran ee Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare, oo ay Dowladda Federaalka ka fulineyso dalka oo dhan. 

Warar Keydmedia Online
Kumanaan Arday oo u fariisatay Imtixaanadka midaysan ee Dugsiga sare

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaacisay in 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ay Maanta u fariisanayaan imtixaanka, kaas oo ka bilaabanaya magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare ee maanta ka bilowday dalka lagu gali doono 121 Goobood marka laga soo bilaabo Gaalkacyo.

Xarumaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka, kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Cabdullaahi Cabdi Cumar oo kamida lataliyeyaasha Wasaaradda ayaa ardayda imtixaanka galeysa ugu baaqay inay ka digtoonaadaan waxyaabaha dadka ay isla dhex-marayaan sida in Imtixaanka qeryb kamid ah la qeybiyay oo uu suuqa wareegayo, taasoo uu ku sheegay wax aan sal iyo raad lahayn, ardaydana uga digay in ay ku kadsoomaan waraaqadaha been abuurka ah ee la wareejinayo.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sanad walba qaadda Imtixaanka shahaadiga ee fasallada 12-aad ee dugsiga sare, iyadoo inta badan gobollada dalka uu u billowdo imtixaanka isku saacad.

Mas'uuliyiin ka tirsan kuwa wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu wadaa in ay booqdaan goobaha imtixaanka lagu galayo, iyadoo si aada loo adkeeyay ammaanka goobaha uu imtixaanku ka furmay.

Billowga bishaan Maay, Wasaaradda ayaa sheegtay in uu dib u dhac ku yimaaday Imtixaanaadka Dugsiyada Sare, waxaana sababeen dib u dhacaan, culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, waana Isbuuc loogu talala galay in ardaydu is diyaariyaan.

Sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay, ayaa loo tix galiya inuu ahaa sanadkii ay dhaceen ardaydii ugu badneyd ee shahaadi ah, taas oo sababtay is faham waa dhex maray Wasaaradda Waxbarashada, Dalladaha, Maamulayaasha, Waaliddiinta iyo Ardayda.

Natiijadaas aadka loola yaabay ayaa ku dhawaad 8-kun oo arday ay ku dhaceen Imtixaankii Dugsiga Sare ee 2019-2020, kuwaasoo badankooda ay Muqdisho kasoo jeedaan.

Imtixaanka lagama galin Puntland, Somaliland iyo degaanada ay Al-Shabaab, waxayna dowladda ku qabatay Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Gobolka Banaadir iyo HirShabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.