Indhacade iyo Cali dheeraha Bakaaro oo eedeen isu jeediyay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Yuusuf Siyaad Indhacade oo dhawaan warbaahinta ka sheegtay inuu janan ciidan yahay iyo Cali Dheer oo mudo fog sheegan jiray inuu yahay gudoomiyaha Ganacsatada Bakaaro ayaa eedeymo isu mariyay warbaahinta Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Indhacade iyo Cali dheeraha Bakaaro oo eedeen isu jeediyay

Indhacade ayaa ku eedeeyay Cali dheere inuu ka tirsanyahay Alshabaab isla markaana danbi uu ka galay dowlada sidaas darteedna dowlada ay beegsan doonto Cali dheere.

Dhanka kale Cali dheere oo isna dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Indhacade uu u muuqdo mid u hadlaya Amisom isla markaana waxa uu ka hadlayo aanu xaq u laheyn.

Dadka Muqdisho ku nool qaarkood ayaa ku macneeyay is eedeenta labada shaqsi u dhaxeyso in ay salka ku heyso arin qabiil iyadoona la ogyahay in labaduba ay ka soo jeedaan heyb qura.

WWW.KEYDMEDIA.NET




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.