Dowlada Ingiriiska oo lagu wareejiyay dhulkii ey Safaaradda ka dhisan laheyd

Muqdisho (KON) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdi ka socday waddanka Britain ku wareejiyay maantay dhulkii ay ka dhisan lahaayeen safaaraddooda cusub ee Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Dowlada Ingiriiska oo lagu wareejiyay dhulkii ey Safaaradda ka dhisan laheyd

Madaxweynaha ayaa wafdi uu hor kacayay safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh ku soo dhoweeyay xarunta Villa Soomaaliya.

Matt Baugh ayaa sheegay inuu aad ugu farxay in lagu wareejiyay dhulkii ay ka furan lahaayeen safaaradda ay ku yeelan doonaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay waraaqihii safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Australia u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka inay safaaradahooda ka furtaan Soomaaliya, isagoo sheegay inuu soo dhoweynayo dal kasta oo doonaya inuu xiriir caalami la sameysto Soomaaliya.




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.