Warbixin: Ingriiska, Mareykanka iyo Farnsiiska oo Ciidamo usoo diri doona Soomaaliya?

London (KON) - In Soomaaliya aysan aheyn Wadan Madaxbanaan waa la isku ogaa, laakiin hada waxaa soo baxay Warar sheegaya in Ingriiska, Fransiiska iyo Mareykanka ay isku diyaarinayaan Howlgall Millatari ay ka fuliyaan Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Warbixin: Ingriiska, Mareykanka iyo Farnsiiska oo Ciidamo usoo diri doona Soomaaliya?

Jaraa'idka reer Galbeedka sida Wargeyska Daily Star oo ka soo baxa Dalka Britain ama Der Freitag oo kasoo baxa Dalka Jarmalka ayaa soo Qoray in laga yaabo in Ciidamo si gaar ah u tababaran losoo diro Soomaaliya.

David Cameron (Britain), Hollande (Fransiiska) iyo Obama (Mareykanka) ayaa isku afgartay in loo baahanyahay Ciidamo kasoo jeeda Dalalkaasi oo la dagaalama Argagixisada.

François Hollande ayaa sheegay in loo baahanyahay in Kooxda Al-Shabaab lala Dagaalamo, laganah hortago in Weerarkii Westgate oo kale uu markale dhaco.

Wargeysa Der Freitag ayaa Qoray in Ciidamada Khaaska ah ee Ingiriiska ay isku diyaarinayeen Howllgalkaan muddo Sanad ah, taas ayaa meesha ka bixineyso in tilaabadaan la qaaday Weerarkii Westgate kadib.

Howlgalkaan ma noqon dooni sidii hada kahor dhacday Weeraro Drones loo adeegsanayo kaliya ee waxaa la sheegay in laga yaabo in Ciidamada ay gudaha usoo galaan Dhulka Soomaaliya "Hadii la helo Xog Cadeyneysa meshee ku suganyihiin Saraakiisha Al-Shabaab"

Sarkaal u waramay Wargeysa Daily Star ayaa sheegay in Weerarka uu noqon doono mid Dhulka lagula Dagaalamo Kooxda Al-Shabaab: "Operation-kaan waa Cir iyo Dhul-ba".

Ciidamo Ajnabi ah hadey joogaan Soomaaliya

Ayadoo mudooyinkii ugu dambeeyay ay isa soo tareysay tuhun ah inay jiraan Ciidamo ka socda Wadamada reer Galbeedka inay ka howlgallaan gudaha Soomaaliya, Keydmedia-nah ey soo Qortay Sanad kahor ayaa waxaa uu tuhunkaaso noqday mid aan shaki ku jirin hada.

Deegaanada ay Ciidamada Cadaanka hadda ay ku sugganyihiin ee lagu arkay waxaa kamid ah Degmada Afgooye, waxaana Ciidamada lagu arkay ay u badanyihiin kuwo Britisha iyo wadamo kale u dhashay.



Ciidamadaan ayaa sheegay inay caawinayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

Ciidamo Ajnabi ah oo lagu Arkay Hobyo

Waxaa dhawaan lagu arkay Degmada Wisil iyo Hobyo ee Gobalka Hobyo ee Maamulka Galmudug Ciidamo Ajnabi oo sitay Hub Culus.

Ciidamadaan ayaa Dadka Deegaanka iskugu sheegay in ay kamid yihiin Atalanta Mission ee Nato oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Dhalinyaro iyo Odayaal la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in Gudaha Magaalada Hobyo lagu arkayay Ciidamo Ajanabi ah, kuwaasoo Doomo yar yar uga soo dagay Bariga Hobyo.

Keydmedia Online - Xafiiska London