Is-baddel xooggan oo lagu sameeyay hoggaanka CQS

Mid ka mid ah saraakiishii sida weyn uga dhex muuqday Ciidankii Badbaado Qaran, ayaa la sheegayaa in loo wado mid ka mid ah hoggaanka saddexda Ciidan, halka Taliyaha Xoogga dalka uu ka imaan doono saraakiishii aadka ugu dhawaa mucaaradkii Farmaajo.

News Keydmedia Online
Is-baddel xooggan oo lagu sameeyay hoggaanka CQS

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay KEYDMEDIA u sheegeen, ilo loo qaateen ah, is-baddelkii ugu weynaa ayaa lagu sameeyay Hoggaanka Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, xilli maalmaha soo socda lagu wado in si rasmi ah loo shaaciyo is-baddelka dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aqoonyahanadiisa ayaa hore loo saadaalinayay in ay xilalka ka xuyuubin doonaan kaliya saraakiishii sida dhow ula shaqeyneysay Madaxweynihii hore Farmaajo, hayeeshee, is-baddel guud ayaa la tabinayaa xilligaan.

Xogaha ay heshay KON, ayaa warinaya in dhammaan Taliyayaasha ciidamada, gaar ahaan Taliyaha ciidanka Xoogga dalka (SNA), Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha ciidanka Booliska, Cabdi Xasan Xijaar, aya xilalkooda waayeen saacadihii la soo dhaafay.

Sidoo kale, ku simaha Taliyaha ciidanka Asluubta, Cabdikariin Cali Afrax, ayaa xilka banneyn doona, wuxuuna dib ugu laaban doonaa, booska taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta, bil iyo bar kadib markii uu xilkaas hayay.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta, ayaa la hor geyn daanaa magacaabidda Taliyayaasha, kadibna wareegto Madaxweyne ayaa lagu soo saari doonaa, maalmaha soo aaddan, haddii aysan Madaxtooyadu go’aansan in Madaxweynuhu toos u magacaabo.

Mid ka mid ah saraakiishii sida weyn uga dhex muuqday Ciidankii Badbaado Qaran, ayaa la sheegayaa in loo wado mid ka mid ah hoggaanka saddexda Ciidan, halka Taliyaha Xoogga dalka uu ka imaan doono saraakiishii aadka ugu dhawaa mucaaradkii Farmaajo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, hoggaanka ciidamada Gorgor iyo Haramcad iyo saraakiil kale, ayay xoguhu muujinayaan in baddelkooda la qoray, isla-markaana ay qeyb ka noqon doonaan taliyayaasha banneyn doona xilalka.

Khamiistii hore, Mahad Maxamed Salaad, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda NISA, kaasoo is-badello degdeg ah ku sameeyay qaar ka mid ah taliyayaashii hay’adda, xilli la filayo in guud ahaan magaca NISA loo beddelo FISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 30 June 2022 10:19

Barre was briefed on the progress of the project, which includes a number of facilities, the most important of which are the prime minister’s office, the government headquarters, the prime minister’s residence, a guest house, and a mosque.