Diiwaan galinta musharrixiinta oo maanta billaabaneysa

Sida la saadaalinayo, musharixiin miisaan culus ayaa maanta qaadan doona shahaadada musharraxnimo, hayeeshee, waxaa is weydiin mudan, Madaxweynihii hore Farmaajo, maka mid noqon doonaa musharixiinta saddaxdaan maalmood is-diiwaan galin doona.

News Keydmedia Online
Diiwaan galinta musharrixiinta oo maanta billaabaneysa

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ku cad jadwalka doorashada Madaxweynaha, ee uu soo saaray Guddiga Labada Gole ee Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha JFS, maanta ayay billaabaneysaa is-diiwaan galinta musharixiinta doonaya in ay u tartamayaan xilka ugu sarreeya waddanka sanadkaan.

Is-diiwan galintu waxa ay socon doontaa saddex maalin, [May 8-10, 2022], ka hor inta aan loo gudbin hadal jeedinta musharrixiinta taas oo iyana socon doonta labo maalin, [May 11-12, 2022], halka labo maalin oo nasiino iyo is diyaarin ah kadib loo dareeri doono doorashada Madaxweynaha 15 May 2022.

Guddigu, waxa ay soo bandhigeen habraac ka kooban sagaal qodob, oo ay waajib tahay in musharrax kasta maro, waxaana mid kasta oo baratamayaasha ka mid ah laga doonayaa $40,000, afartan kun oo doolarka Mareykanka ah, sida hore loo go’aamiyay.

Sida la saadaalinayo, musharixiin miisaan culus ayaa maanta qaadan doona shahaadada musharraxnimo, hayeeshee, waxaa is weydiin mudan, Madaxweynihii hore Farmaajo, maka mid noqon doonaa musharixiinta saddaxdaan maalmood is-diiwaan galin doona?.

Afar sano oo dalku uusan lahayn Gole Shacab, oo u taagan shaqadii loo igmaday, hoggaan-xumo awgeed, ugu danbeyn hadda waddanku wuxuu leeyahay Golihii Shacabka ee madaxa bannaanaa, waxaana laga fara-maroojiyay kooxdii af-duubka ku heysatay.

Jab siyaasadeed iyo guuldarrooyin kharaar oo muddooyinkii danbe dul hoganayay Kooxda waqtig ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo, ayaa la saadalinayaa in ay sii socdaan, maalinta faltanka doorashada Madaxweynaha, 15-ka May 2022.

Habraaca Diiwaangelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha J.F.S

1. Warqadda Aqoonsiga (ID ama Baasaboor):

2. Warqadda codsiga musharaxnimo:

3. Warqadda soojeedinta musharaxa;

4. Warqadda caddeynta buuxinta Shuruudaha Musharaxnimo;

5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadaljeedinta.

6. Taariikh Nololeed (CV);

7. Laba sawir oo teesaro ah;

8. Warqadda cadeynta lacag qabashada;

9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada;

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.