Is-rasaaseyn ka dhacday Islii

Nairobi (KON) - Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn ka dhacday xaafadda ee Soomaalidu dagto ee Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi.
Warar Keydmedia Online
Is-rasaaseyn ka dhacday Islii

Is-rasaaseyntaan ayaa dhacday kadib markii Niman hubeysan oo raadinayay Nin kale rasaas ku fureen Dadkii meesha joogay.

Goobta is-rasaaseyntaan ka dhacay ayaa ah goob lagu iibiyo Jaadka.

Hal Askari ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseynta, halka kooxdii burcadda ahayd laga dhaawacay mid ka mid ah.

Askariga dhaawacmay iyo qofkii rayidka ahaa ee burcaddu ay dhaawacday ayaa la geeyay isbitaalka, walina lama haya Nimankii Weerarka soo qaaday.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi