Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kulanka oo ahaa is macsalaameen iyo sagootin madaxweyne ah , ayaa waxaa ka qeyb galay R.wasaarihii is casilay Cumar C/rashiid iyo wasiiradiisii iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.
Mudadadii qadada faraha lagula jiray ayaa Madaxweynaha waxa uu u sheegay golaha wasiirada in looga fadhiyo ka sii shaqeynta amniga isagoona hoosta ka xariiqay in xili dhaw isbadal deg deg ah uu dhici doono, balse qaar ka mid ah wasiirada ayaa ka walaacsanaa in R.wasaaraha Cusub oo ka soo reebo liiska golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono.
Inkastoo miiska qadada ay isugu yimaadeen dad mudooyinkanba is qilaafsanaa ayaa hadana waxaa xusid mudan in ammaanka guud ee dalka marka laga soo tago kan madaxtooyada oo ah goobta Dowlada ay ku kulanto aan leysku haleyn karin isla markaana habeenkii xalay ahaa uu ka dhacay qarax fashilmay.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments