Isbadal lagu sameeyay Taliyayaasha Booliska Galmudug

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbadal waxay ku sameysay Taliyayaasha Booliska qaar kamida deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Isbadal lagu sameeyay Taliyayaasha Booliska Galmudug

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedel ku sameeyay ciidanka booliska Galmudug. Taliye Xijaar ayaa u magacaabay G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin in uu noqdo taliya ciidamada Booliska Galmudug, sidoo kale taliyaha gobolka Galgaduud ayaa loo magacaabay Sharmaake Cabdulle Warsame.

Maxamed Mire Maxamed ayuu u magacaabayTaliye Xijaar in uu noqdo Taliyaha guud ee ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb, taliyaha booliska Gaalkacyo ayaa laga dhigay Cali Xirsi Sahal. Faarax Xuseen Xasan ayaa loo magacaabay taliyaha booliska magaalada Caabudwaaq, waxaana Taliye ku-xigeen looga dhigay Bilaal Xasan Cali. Taliyayaashii xilalkaa horay u hayay ayaa laga qaaday.

Isku shaandheyntan ayaa kusoo aadeysa xilli loo dareerayo doorashooyinkii madaxtinimada iyo weliba tii xildhibaanada. Taliye Xijaar ayaa ah mas'uulka ugu sarreeya dhinaca ammaanka ee loo xilsaaray doorashooyinka, waxa uuna ka billaabay shaqada inuu isbadal kusameeyo labada magaalo ee ay doorashada Galmudug ka dhici doonto waa Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Tani waxay billow u tahay sida madaxda dowladda ay u daneenayaan in ay mar kale doorasho awood sheegasho ah u sameystaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.