Isbitaalka Degmada Afgooye oo sii buux dhaafaya

Wararka laga helayo Degmooyinka kale duwan ee gobalka Sh.hoose ayaa sheegaya in degmooyinkaasi aya fara ba'an ku hayaan cudurada Shubanka iyo maleeriyad.
Warar Keydmedia Online
Isbitaalka Degmada Afgooye oo sii buux dhaafaya

Warbixinada laga helayo gobalkaasi ayaa sheegaya in 48-kii saac ee la soo dhaafay la gaarsiiyay isbitaaladaasi ku dhawaad 60 ruux oo u badan caruur kuwaa oo la ildaran shubanka iyo malaariyada.

Bukaanada ayaa iminka ku jira isbitaalka Degmada Afgooye ee gobalka Sh.hoose waxaana laga kala keenay bukaanada degmooyinka kale duwan ee gobalkaasi sida Janbaluul, Basro iyo Baqdaad oo intuba ku yaala duleedka Degmada Afgooye.

Wararku waxa ay sheegayaan in  saacadba saacada ka danbeysa ay aad isu soo tarayaan bukaanada la keenayo isbitaalka ee la il daran cuduradaasi, iyadoona aanay jirin cid ka garab siisa wax u qabadka Dadkaasi.

www.keydmedia.net