Warbixin: Isbitaalka Gaalkacyo oo si weyn looga dareemayo bixitaanka Hay’adda MSF

Muqdisho (KON) - 14-kii Augsto ee Sanadkaan ayey ahayd markii Hay’adda MSF ku dhawaaqday in ay ka baxday Soomaalia, sababo la xariira Amaanka shaqaalaheeda.
Warar Keydmedia Online
Warbixin: Isbitaalka Gaalkacyo oo si weyn looga dareemayo bixitaanka Hay’adda MSF

Hay’adda ayaa Gacanta ku haysay Xaruumo farabadan oo ay ku lahayd Koofurta iyo Bartamaha Soomaliya waxayna ka fulin jirtay Adeegyo Caafimaad.

Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga dareemay bixitaanka MSF halkaas oo Hay’adu maamuli jirtay ilaa 2005-tii.

Adeegyada Hay’ada dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ay ka fulin jnirtay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo waxaa kamid ahaa Gargaarka Dag Daga ah, Qeybta Qaliinka, TB, Qeybta Caruurta, qeybta dhalmada iyo qeybta Nadaafada.



 

Hadaba dhawaan Hay’adaha Mudug Development iyo Himilo Organization oo ay leeyihiin Qurbo joog ka soo jeeda Galmudug waxa ay si rasmi ah ula wareegeen howlihii Isbitaalka Gaalkacyo oo gaabis ku jiray kadib ka bixitaankii MSF ee Somaaliya.
 
Labadan Hay’adood ayaa dib u howlgaliyay qeybaha kala ah Qaliinka, gargaarka deg dega ah iyo qeybta dhalmada, waxaana wali maqan qeybo muhiim ah sida TB-da iyo qeybta caruurta.

Takhaatiirta MSF ayaa ku ciladeeyay go'aankooda inay u adkaysan waayeen dhibaatada amaan daro oo ay ku sheegeen inay kasii dartay guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waxaase xasuusin mudan in hay'adaani ay ka shaqaynaysay Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991.

Su'aasha is-waydiinta mudan ayaa ah amaanka Soomaaliya sanadkee ayuu wanaagsan yahay 1991 iyo 2013? Waxa intaas dheer in MSF sanadahaas hore looga dilay Soomaaliya 16 shaqaale, halka laga afduubtay tobaneeyo kale, laakin sanadkan 2013 lama soo sheegin qof laga dilay iyo qof laga afduubtay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho