Isgaarsiintii Baledweyne oo la Jaray

Baledweyne (KON) - Warar Goor dhaw ku soo dhacay Xafiiska Keydmedia Online ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Isgaarsiintii Magaalada Baledweyne Hawada laga saaray.
Warar Keydmedia Online
Isgaarsiintii Baledweyne oo la Jaray

Isgaariinta ayaa Mar qur ah Hawada laga saaray, ayadoona Wararka ay sheegayaan in Amarka uu ka soo baxay Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha AMISOM.

Xiliga Hawada laga waayey Isgaarsiinta Magaalada Baledweyne ayaa aheeyd 70:00 Subaxnimo ee Saaka sida Wararka lagu Helaayo.

Inkastoo aan la ogeen ujeedka loo Jaray Isgaarsiinta Magaalada, ayaa waxaa la sheegayaa in uu yahay u jeedka Howlgalka ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya  ay ka Wadaan Gobolka.

Waxaa sidoo kale Isgaarsiinta ay ka Maqantahay Deegaanka Raangaabo, Jante kundishe, Baardheere iyo Deegaano kale oo Baledweyne Hoos yimaada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho