Isgarsiinta Garbaharey oo go’an iyo Xiisad Collaaddeed oo laga dareemayo Deegaanka

Garbaharey (KON) - Magaalada Garbaharey ayaa muddo 12 Saacadood ah ka go'an Isgaarsiinte, waxaana Magaaalda iyo Duuleedkeedaba laga dareemayaa Xiisad Collaadeed.
Warar Keydmedia Online
Isgarsiinta Garbaharey oo go’an iyo Xiisad Collaaddeed oo laga dareemayo Deegaanka

12kii Saac ee lasoo dhaafay ayey Magaalada ka go'need Adduunka, waxaana Magaalada oo dhan ka maqnaa Isgaarsiinta.

Inkastoo aan la xaqiijin Sababta ay u go'an tahay Isgaarsiinta ayaa Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Ciidamadii Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee k usugnaa Halkaa ay iskaga baxeen Magaalada.

Dad ku sugan Magaalada Baardheere ee gobolkasi ayaa shegay in arintaan ay daba joogto xiisad Collaadeed oo laga cabsiqbo taa oo timid kadib markii Maleeshiyaad  farabadan oo ka tirsanAl-shabaab ay soo buux dhaafiyeen Magalada Baardheere iskuna diyaarinayaan Dagaal.

Wararka qaar ayaa sheegay in Sababta ay u go’an tahay isgariinta ay tahay Xiisad Dagaal oo halkaa ka tagan, taa oo laga yaabo in uu halkaa Dagaal dhexmaro Meleeshiyaad is-horistaagan

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho