Iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (KON) - Waxaa galabtay ka dhacay Duuleedka Magaalada Gaalkacyo Iska Horimaad dhemaray Ciidamda Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo, waxaana ka dhashay Iska Hor-imaadkaas Khasaaro badan.
Warar Keydmedia Online
Iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Ilaa iyo Sadex Qof ayaa ku dhimatay Dagaalkaas, waxaana ku dhaawacmeen 2 Qof.

Iska Horimaadkaan ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Galmudug ey weerar ku qaadeen Koox Hubeysan oo ay jidgooyo u taallay duleedka koonfureed ee Gaalkacyo, iyadoo ay Kooxdu rasaas kala hortagtay Ciidanka.

Sarkaal la hadlay Wariyaha KEYDMEDIA ONLINE ee Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidamda Galmudug ey ku guuleesteen kahor taga Kooxahaas.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo