Iska hor imaad ka dhacay Waqooyga Galkacyo

Galkacyo(Keydmedia) Waxaa xalay dhanka waqooyi ee Magaalada Galkacyo ka dhacay iska hor imaad qasaaro sababay kaasoo u dhaxeeyay ciidamo deegaameed iyo kooxaha aan la aqoon.
Warar Keydmedia Online
Iska hor imaad ka dhacay Waqooyga Galkacyo

Shaqaada ayaa timid kadib markii kooxa deegaameedka ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen kooxa hubeysan oo aan la aqoon waxaana kooxihii ay bilaabeen in ay difaacaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday tacshiiradda dhex martay dhinacyada 2 ruux oo rayid ah kuwaasoo aan ku lug laheyn iska hor imaadka iyadoona ay ku dhaawacmeen 8 kale.

Dhawaanahaba waxaa aad ugu soo badanayay dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo falalka la xiriira amni xumada iyadoona dhawr maroo hore dhibaatooyin ammaanka la xiriira oo qasaaro sababay ay halkaasi ka dhaceen.

www.keydmedia.net