Isku milanka Talisyada Milateriga iyo NISA

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in talisyada Milateriga iyo Nabad Sugidda Soomaaliya isku milmeen. 

Warar Keydmedia Online
Isku milanka Talisyada Milateriga iyo NISA

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay isku milmeen talisyada ciidamada Milateriga iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, isagoona walaac xooggan ka muujiyay.

Siyaasigaan ayaa sheegay in haatan taliska Milateriga Soomaaliya uu si toos ah uga amar qaato hoggaanka Nabad Sugidda Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka CC Shakuur.

Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska Nabadsugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD). Waxaa soo baxaysa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed.

Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh.

Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed.

Waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska CXD in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 November 2020 19:41

"Saaxiibkey [Farmaajo] aniga waxaan aaminsanahay in doorashadda lala galo marabo, isagoo jaakad toshay, jaakadana isagay kaligiisa u gashaa, qof kale in loo geliyo ma rabo," ayuu yiri Shariif Xasan.