Isku-tanaasul: Guuleed oo u tanaasulay CCWarsame

Musharrax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka baxay tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu u tanaasulay Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

News Keydmedia Online
Isku-tanaasul: Guuleed oo u tanaasulay CCWarsame

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Galmudug, ahaana Musharrax Madaxweyne, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa wada-hadallo muddo socday kadib u tanaasulay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharrixiinta rajadoodu sarreyso sanadkaan.

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, Guuleed, ayaa aqbalay, soo jeedin iyo wada-xaajoodyo ay garwadeyn ka ahaayeen, Xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaal dhaqan oo musharrixiinta ku heyb ah, wuxuuna taageero iyo garab istaag buuxa u ballan qaaday Warsame oo sanadkaan tartame rasmiya ah.

Isku tanaasulkaan, ayaa ka dhigan, in cododka kutladda Xildhibaannada Habargidir oo uu hoggaamiyo Xildhibaan Yusuf Geelle Ugaas [Dhagey] ay isku dhinac mari doonaan, marka laga yimaado Xildhibaannada u janjeera dhanka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee kala ah; Mahad Salaad, C/raxmaan Odawaa iyo Saabir Shuuriye.

Hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, Madaxweyne Cabdikariin, oo ka mid ah guryaha uu olalaha xooggan ka socday, ayuu abaabulku sidiisa uga sii socon doonaa, waxuuna saacadaha soo socda ubuc u ahaan doonaa dadaalka uu hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan ku doonayo kursiga ugu sarreeya dalka.

Musharrixiin kale, ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ay qeyb ka noqdaan is-baheysi xooggan oo yabyabkiisu si weyn u soo socday saacadihii la soo dhaafay, waxaana sii socon doona isku tanaasulka iyo is-garabsiga Musharrixiinta siyaasad ahaan u dhow Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe.

Dhanka kale, Xildhibaannadii hormuudka u ahaa is-baddelkii ku dhacay hoggaanka Golayasha Baarlamaanka ee Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Soronsoor oo kutlad Xildhibaanno oo xooggan hoggaaminaya ayaa ku biiray safka Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Saacado kooban ayaa ka dhiman doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo loo ballansan yahay Axadda foodda nagu soo heysa, tartanka ayaana sanadkaan ka xooggan sidii hore oo sida la saadaalinayo waxaa loollami doonaa musharrxiin ku wada jiray safka mucaaradka sanadihii la soo dhaafay, maadaama ay liidato rajada Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.