Iskuulada jawhar oo lacag lagu soo rogay

JAWHAR(KEYDMEDIA)Kooxda shabaab ee ka talisa magaalada Jawhar ee xarunta gobalka Sh.dhexe ayaa amar ku soo rogtay ardayda wax ka barata iskuulada deegaankaasi lacago lagu taageerayo kooxda.
Warar Keydmedia Online
Iskuulada jawhar oo lacag lagu soo rogay

Waxa ay dalbadeen shabaab in araygiiba laga qaado $1 bishii si loo  taakuleeyo shabaab, waxaana arintaasi ay walaac badan galisay waalidka  iyadoon waalidiin badan ay bilaabeen caruurtooda in ay iskuulada kala baxaan

Hore shabaab deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ugu soo rogeen amaro ceynkan ah kaasoo ay maamulada iskuulada ku fareen in ay bixiyaan lacagahaasi hadii kalana aanay ka shaqeyn doonin deegaanka.

ALshabaab ayaa sidoo kale xili hore waxa y isbadal ku sameeyeen manaahijta waxbarasho ee iskuulada ku yaalay magaalooyinka ay ka taliyaan.

WWW.KEYDMEDIA.NET