Ismiidaamin ka dhacday Hotel ku yaala Muqdisho (33 ku Dhimatay)

Muqdisho (Keydmedia) Seddex nin oo ka tirsan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda oo hubeysan ayaa ismiidaamin ka fuliyay Hotelka Muna ee Magaalada Muqdisho kaasoo ku yaala degmada xamar weyne.
Warar Keydmedia Online
Ismiidaamin ka dhacday Hotel ku yaala Muqdisho (33 ku Dhimatay)

Qaraxan ayaa waxaa ku horeeyay rasaas ay raggaasi oo u soo labistay sida ciidamada Dowlada oo kale ay mid mid ugu toogteen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ilaa iyo hada la sheegay tiradooda in ay gaareyso 6 xildhibaano, waxaa sidoo kale ku dhintay 5 ka tirsan ciidamada Dowlada sida lagu cadeeyay Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaarada warfaafinta.

Tirada guud ee ku dhimatay qaraxyadaasi ayaa la sheegay in ay tahay 33 ruux waxaana marka laga soo tago 11-ka ka tirsan Dowlada dadka kale ay ahaayeen ganacsato iyo shaqaalihii Hotelka ka shaqeynayay.waxaana sidoo kale qaraxyadaasi ku dhaawacmay dad kale oo badan

Ragga seddexda ah ee u  bareeray in ay naftooda dilaan isla markaana ay dadka laayaan  ayaa mudo daqiiqada ah waxa ay wadeen rasaas xoogan, waxaana mudo kadib ay garawsadeen in ay qarxiyaan naftooda iyagoo watay suumanka leysku qarxiyo.

Inkastoo Dowlada dhankeeda ay xaqiijisay in 33 ruux ay dhinteen ayaa hadana kooxda fulisay qaraxa oo ka mid ah kuwa Dowlada ka soo horjeeda  waxa ay sheegtay in dad ka badan 70 ruux ay qaraxaasi ku dileen waxaana hadalkaasi si toos ah looga sii daayay Raadiyaha Qur'aanka oo maalinimadii shalay aheyd ay si xoog ah ula wareegeen.iyadoona dhanka kale Saxaafada uu u sheegay afhayeenkooda Cali Maxamuud raage uuna qiray in koox iyaga ah oo la carbiyay qarxinta Hoteelada ay arinkaasi fuliyeen.


www.keydmedia.net