Isu socodka dadka iyo gaadiidka Beledweyne oo hakad la geliyay

Ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeelle ayaa rasaas ku kala eryay dadka, iyagoo xirtay wadada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee magaalada Baledweyne.

Warar Keydmedia Online
Isu socodka dadka iyo gaadiidka Beledweyne oo hakad la geliyay

BELEDWEYNE, Soomaaliya- Isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Beledweyne ayaa hakad la geliyay, kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliska magaalda ay arrintaasi ku dhaqaaqeen.

Ciidamadaan ayaa rasaas ku kala eryay dadka, iyagoo xirtay wadada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee magaalada Baledweyne.

Ma cadda, sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadaan ay xirtaan wadada laamiga ah, hayeshee macluumaad ay heleyso Keydmedia ayaa sheegaya in ciidamadaa ay ka gadoodsan yihiin mushaar la'aan soo wajahday.

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan inay xirtaan wadooyinka Hirshabeelle ayaan tan ugu horreyn, welina wax war ah kama aysan soo saarin masuuliyiinta Hirshabeelle.

Hir-shabeelle ayaa ku howlan doorashada xubnaha ku matalaya Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo ay uga harsan tahay labo kursi.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.