Isu Soo Baxyo Lagu Taageerayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub oo Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Galgaduud

Dhuusamareeb (KON)- Isu soo baxyo ballaaran oo lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Cabdu Faarax Shirdoon ayaa maanta ka kala dhacay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobbolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Isu Soo Baxyo Lagu Taageerayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub oo Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Galgaduud

Degmooyinka, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Guriceel iyo deegaano kale ayaa kamid ah meelaha ay ka dhaceen isu soo baxyadaan lagu taageerayo Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana ujeedada banaan baxyadaan ay ahayd sidii dadka ku nool deeganadaasi ay u muujin lahaayeen sida ay u arkaan Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo baxay dibadbaxa kuwaasi oo aad ugu faraxsanaa soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Masuulyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan oo la hadlay dadkii isku soo baxay ayaa sheegay in sida dadka reer Galgaduud ay u soo dhaweeyeen Ra'iisul wasaaraha cusub ay iyanu u soo dhawenayaan Ra'iisul wasaaraha cusub.

Keydmedia.net -Xafiiska, Muqdisho