Itoobiya oo billowday inay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Al-Shabaab waxay bartilmaameed u tahay duqeymaha joogtada ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, maadama dowladda Soomaaliya awoodeeda daciif tahay oo ay ku tiirsan tahay AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo billowday inay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa dib u celisay kumanaan askari, oo ka howlgalla bartamaha Somaaliya, sida uu shaaciyay Wargeyska Bloomberg. 

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo askarta Federaalka Itoobiya ay weli la dagaallamayaan xoogag daacada u ah xisbiga talada haya ee gobolka Tigray. Bishii la soo dhaafay, Madaxweyne Trump wuxuu ka dalbadey la taliyayaashiisa sare in la diyaariyo qorsho Ciidamada Mareykanka looga soo saarayo Soomaaliya.

Itoobiya ayaa 3,000 oo askari u dirtay gobolka Tigray, oo TPLF kula dagaalamayaan. Ciidamada laga soo qaadayo Soomaaliya waa askarta aan katirsanayn AMISOM – Howlgalka Midowga Africa Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u gudbiyay dowladda Itoobiya warqad furan oo sharaxaad uga dalbadey sababta Ciidanka loo qaadey.

Ridwan Xuseen, oo ah wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada, ahna afhayeenka guddiga gurmadka degdegga ah ee u xilsaaran colaadaha, kama uusan jawaabin su'aalaha ku saabsan askarta ka baxaysa Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa howlgal ka wada Soomaaliya tan iyo 2006, ayagoo dalka sharci darra u joogo. 

Al-Shabaab waxay bartilmaameed u tahay duqeymaha joogtada ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, maadama dowladda Soomaaliya awoodeeda daciif tahay oo ay ku tiirsan tahay AMISOM.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay ku jiraan Ciidamo gaar ah oo gacan ka geysanaya tababarka Ciidamada kumaandooska DANAB.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.