Itoobiya oo faah faahisay sababta loo rasaaseeyey shaqaale QM ah

Gobolka Tigray-ga waxaa kusugan kumanaan qof oo gurmad u baahan.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo faah faahisay sababta loo rasaaseeyey shaqaale QM ah

ADDIS ABABA, Soomaaliya - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay rasaaseeyeen shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaddib marki ay shaqaalahani ka gudbeen laba bar-koontarool oo aanan loo oggolaanin si ay u gaaraan gobolka ay dagaalladu ka socdaan ee Tigray.

Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Itoobiya, ayaa warbaahintau sheegayin dhacdadani ay dhacday Axaddii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaaraan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay daganyihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kaddib markii ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kaddib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Ridwan ayaa sheegay in shaqaalaha waxaa lagu wargeliyay in aanan loo oggoleyn in ay barta koontarool ka gudbaan, balse ay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah ay halkaasi kaga tallaabaan.

Shaqaalahani ayaa la xiray, balse marki danbe lasii daayay sida uu xaqiijiyay sarkaalkani u hadlay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Itoobiya uu yahay mid laga naxo.Isaga oo ku boorriyay dowladda federaalka Itoobiya in ay ka hortago dhacdadani oo kale mustaqbalka.

Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale ee samafalka caalamiga ah ayaa aad isugu dayaya in ay gargaar bani’aadannimo gaarsiiyaan ku dhawaad hal milyan oo qof oo ay barakiciyeen dagaaallada sokeeye ee ka socda Waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.