Itoobiya oo si gooni ah u daneyneysa dekedda Berbera

Waxay u horay u shaacisay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta kaliya dakadaha Jabuuti.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo si gooni ah u daneyneysa dekedda Berbera

BEERBERA, Soomaaliya - Qasriga madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa Muuse Biixi Cabdi ayaa ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Mr. Redwan Hussein oo uu la socday qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen ayay uga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland, dawladda federaalka ah ee Itoobiya, arrimaha la xiriira isu-socodka labada dhinac ee ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee waddada berbera corridor ay ugu horayso iyo isticmaalka dekedda Berbera oo uu tilmaamay wasiiru-dawluhu in dalka itoobiya uu baahi weyn u qabo dekedo kala duwan, si gaar ahna ay u daneynayaan dekedda Berbera.

Waxay isku soo hadal qaadeen habkii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii ay hore u galeen, lana gaaray xilligii la dhamaystiri lahaa hirgelinta wixii hore la isugu afgartay ee dani ugu jirto labada dhinac.

Daneynta gaar ah ee dekadda Berbera ayaa sabab u ah in Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida aynan lahayn dakad ay iyadu u madax bannaan tahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.

Waxay u horay u shaacisay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta kaliya dakadaha Jabuuti.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.