Itoobiya oo xirtay Jaamacada jigjiga

JIGJIGA(KEYDMEDIA) Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa waxa ay irdaha isugu dhifteen xarunta jaamacada magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumeysato.
Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo xirtay Jaamacada jigjiga

Saraakiil ka tirsan jabhada ONLF ayaa waxa ay sheegeen in jaamacada ay xirantahay isla markaana war iyo  wacaal aan laga heyn 100 arday oo ka tirsaneed ardayda jaamacada kuwaasoo la aaminsanyahay in ay xireen ciidamada.

Afhayeen lagu magacaabo Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaruntii jaamacada iminka ay isu badashay goob ciidan isla markaana ay arintaasi aad uga xunyihiin ka maamul ahaan.

WWW.KEYDMEDIA.NET