Itoobiyaan dad ku xirxiray Hiiraan

Muqdisho(Keydmedia) Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa maanta dad ka qab qabtay deegaan 45KM dhanka waqooyi ka xiga magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
Itoobiyaan dad ku xirxiray Hiiraan

Dadka la xiray ayaa isugu jiray dhalinyaro iyo odayaal waxaana Itoobiyanka ay ula dhaqaaqeen dhanka dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Shacabka ku nool deegaanka laga qab qabtay dadkaasi ayaa arinka walaac xoogan ka muujiyay wallow dhanka kale aanay aheyn markii ugu horeysay ee ciidamo Itoobiyaan ah dad Soomaaliyeed ka qabqabtaan gudaha Dalka qeyba ka mid ah.

www.keydmedia.net