Itoobiyaan soo Gaaray Degmada Yurkud Ee Gobbolka Gedo

Kismaayo (Keydmedia) - Wararka naga soo gaaraaya degmada Yurkud ee gobbolka Gedo ayaa sheegayaa in Ciidamo amxaaro ah oo aad u fara badan oo wata Taangiyo iyo gaadiid dagaal oo aad u fara badan inay soo gaareen degmadaasi, waxaana amxaarada waheliya Ciidamo Soomaali ah.
Warar Keydmedia Online
Itoobiyaan soo Gaaray Degmada Yurkud Ee Gobbolka Gedo

Goobjoogayaal ku suggan degmada Yurkud oo ay la xariirtay warbaahinta Keydmedia ayaa ku waramaya inay arkeen inka badan 70 isugu jira Taangiyo, Dabaabadaha dagaalka iyo baabuurta nooca Uuraalka ee Dagaalka loo adeegsado.

Inkastoo aan ilaa hadda lagaraneynin halka ay Ciidamadaan cusub ee ku soo duulay Soomaaliya ay ku wajahanyihiin ayaa haddana warar hor dhac ah oo ay heshay Keydmedia waxaa ay sheegayaan in Ciidamadaan ay ku wajahanyihiin magaalada Kismaayo iyo gobbolada Jubbooyinka.

Hogaamiyaha Kooxda Raaskaambooni ayaa dhawaan Ethiopia ka codsaday inay gacan ka siiso sidii Kooxda Shabaabka looga saari lahaa Kismaayo iyo Jubbooyinka, ayadoona wax yar kadib hadalka Axmed Madoobe uu isna hadlay Raysal wasaaraha Ethiopia Males Zanawi oo sheegay inay Ciidamadiisu weerarayaan magaalada  Kismaayo

Dhanka kale wareegto dhawaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa degmo loogu magacaabay degmada Yurkud oo ka tirsan gobbolka Gedo islamarkaana horay u ahayd Deegaanka.

Degmada Yurkud ayaa ah degmo istaraatiji ah waxaana ay isku xirtaa gobbolada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana degmada ku nool dad isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo