Jaamacadaha Muqdisho oo qeyla-dhaan isku mida diray

Urur ay ku mideysan yihiin Jaamacadaha ka howl gala Soomaaliya ayaa farriimo isku mida udiray dowladda Soomaaliya, iyagoo ka cabanaya xayiraadda lagu gaar-yeelay goobaha waxbarashada

Warar Keydmedia Online
Jaamacadaha Muqdisho oo qeyla-dhaan isku mida diray

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida aan la socono waxaa dhawaan muddo laba toddobaad ah xayiraad lagu soo rogay goobo badan oo ay kamid tahay goobaha waxbarashada, muddadii labada toddobaad markii ay dhammaatay, dowladdu waxay kordhisay muddada xayiraadda iyadoo amar ku bixisay in aan goobahaasi la isku imaan karin ilaa amar dambe!

Jaamacadaha ku yaal Soomaaliya gaar ahaan kuwa caasimadda ee Muqdisho ayaa baaq udiray xukuumadda Soomaaliya iyagoo ka dalbaday in la fasaxo goobaha waxbarashada oo lagu gaar-yeelay xayiraadda, maadaama sida ay ku andacoodeen aan si rasmi ah loo fulin goobaha kale ee xayiraadda!

"Ayada oo suuqyadii, maqaayadihii, garoomadii iyo goobihii bulshadu ku kulmaysay ay wada furanyihiin isla markaana isu imaatanka iyo kulamadu ay si caadi ah u dhacayaan maxaa ardayda waxbarasho la’aan loo dhigayaa? Waxaan codsanaynaa in waxbarashada xayiraada laga qaado" Farriintan ayey dhammaan Jaamacadaha ku mideysan ururka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed u direen cidda ay khuseyso arrintan xayiraadda Covid-19.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.