Jaamacadda Carabta oo Malaayiin doolar ku bixineysa doorashada Soomaaliya

Shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir arrimo Dibadeed ee lagu qabtay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 bishan September ayaa lagu tilmaamay qodobbadii ka soo baxay kuwo mid miro dhal ah.

Warar Keydmedia Online
Jaamacadda Carabta oo Malaayiin doolar ku bixineysa doorashada Soomaaliya

QAAHIRA, Masar- Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo uu qeyb ka yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa waxa ay isku waafaqeen, kalfadhigoodii 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sannadkaan 2021-ka.

Shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir arrimo Dibadeed ee lagu qabtay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 bishan September ayaa lagu tilmaamay qodobbadii ka soo baxay kuwo mid miro dhal ah.

Waxaa looga dooday ajandayaasha kala ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya, Lubnaan iyo mowduucyo kale oo muhiim u ahaa kulankooda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo uu qeyb ka yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa waxa ay isku waafaqeen, kalfadhigoodii 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sannadkaan 2021-ka.

Maxamed Cabdirisaaq oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta ayuu ku sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira.

Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta inay bixiyaan qarash gaaraya $12 milyan oo doolar oo qeyb ka ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada.

Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. 

Wadamada reer galbeedka ayaa ku yaboohay lacag dhan $7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay $8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.