Jabhadda Badbaadada Gobalka Hiiraan  oo la wareegtay Baladweyne

Jabhad kale oo ka aas-aasantay gobolka Hiiraan, lana magac baxday Badbaadada Gobalka Hiiraan ayaa caawa la wareegay gacan ku heynta magaalada Beladweyne.

Warar Keydmedia Online
Jabhadda Badbaadada Gobalka Hiiraan  oo la wareegtay Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne, ayaa sheegaya in Ciidamo lamagac baxay “Badbaadada Gobalka Hiiraan” ay caawa la wareegeen gacan ku heynta magaalada Baladweyne.

Ciidankaaan oo ay hoggaaminayaan Saraakiil lagu kala magacaabo Cabdullaahi Barre iyo Nuur Dheere, ayaa ka biya diiday, go’aan ay qaateen maamulka Gobolka Hiiraan, kaas oo ah in berri Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geeyo Baladweyne.

Cabdullaahi Barre, ayaa dhawaan laga xayuubiyay xilkii uu ka yahay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 27-aad, halka Nuur Dheere, dhawaan laga qaaday xilka Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan Wasiirkii hore Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa weerar ku qaaday Madaxwayne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed), wuxuuna ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo coloodo hor leh oo ka curata Hiiraan.

Hayeeshee, Madaxweynihii hore ee Maamulkaas, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo u jawaabay, ayaa Goodax ku eedeeyay inuu masuul ka yahay guud ahaan dib u dhaca Gobolka Hiiraan,

Ciidamada Gadoodsan ee caawa magaalada la wareegay ayaa la rumeysan yahay in ay isku diba-rideen siyaasiyiin reer Hiiraan ah, waxaana qoraal soo dhaweyn wax caawa ka dhacay Baldweyne loo fasirtay bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Goodax, oo xalladda Baladweyne ee caawa kaga falceliyay kaliya ereyga (GOBANIMO).

Kadib doorasho boob ah oo ka dhacday Jowhar, isla-markaana Kooxda Farmaajo xilka Madaxweyne ku saareen Cali Guudlaawe, ayaa sabab u noqotay in ay Hiiraan ka aas-aasanto Jabhad la magac baxday Kacdoonka Gobolka Hiiraan, taas oo uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud).

Hirshabeelle, ayaa ah maamulka kaliya ee aan wax doorsho ah ka billaban wali, waxaana la filayaan in dhawaan Jowhar lagu doorto kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, marka uu Guudlaawe ku laabto Shabeellaha Dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.