“Jabhadda uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud oo bayaan soo saartay”

Jabhadda ka dagallanta gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne ayaa waxay soo saareen baaq ay ku dalbanayaan in magaalad laga saaro mas'uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Warar Keydmedia Online
“Jabhadda uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud oo bayaan soo saartay”

BALADWEYNE, Soomaaliya - Jabhadda uu hoggaamiyo Jananka loo yaqaan Xuud ee ka dagallanta gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne ayaa waxay baaq usoo jeediyeen dowladda soomaaliya iyo ciidamda AMISOM iyagoo dalbaday in laga saaro magaalada Baladweyne Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yusuf Daba-geed iyo taliyaha booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow.

Ciidamo ka tirsan Jabhadda oo dhoola-tus ahaan isku muujinayay ayaa waxay kasoo muuqdeen goobta laga akhrinayay warsaxaafadeedka ay Jabhaddu soo saartay, waxaana lagu eedeeyay mas'uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle in ay magaalada qas iyo iska hor keen ka wadaan, taliyaha oo eedda ugu badan ay ku socotay ayaa la sheegay in uu xir-xiray dhallinyaro isugu jirta rag iyo dumar oo si sharci darro ah uu xabsiyada ugu guray toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Xuud ayaa horay u diidday in ay aqoonsato maamulka Hirshabeelle, iyagoo diiday inuu magaalad Baladweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxaana ay ka biyo diidsan yihiin nidaamka dowlad goboleekda Hirshabeelle.

Yusuf Daba-geed madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa horay u sheegay in ay qancin doonaan Janaraal Xuud iyo ciidamda uu wato, hayeeshee qancintii laga sugaayay waxa uu ku baddalay inuu hanjabaad hawada u mariyo, waxa uuna meel fagaare ah ka sheegay in ilaaladiisa iyo hubka gurigiisa yaal oo kaliya ay ku filan tahay soo Af-jaridda Janaraal Xuud iyo ciidankiisa, islamarkaana aan loo baahneen ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee nabad ilaalinta u jooga Hiiraan. Hadalkaas ayaana ka xanaajiyay Jananka iyo ciidankiisa.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii la xiray qaar kamida dhallinyarada magaalada Baladweyne, taasina waxay sii kordhisay carada loo qabo madaxda Hirshabeelle ee ku sugan Baladweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.