Jabuuti oo ka hadashay eedeynta Villa Soomaaliya

Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout ayaa bartiisa twitter-ka ku daabacay, in dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay, ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.

Warar Keydmedia Online
Jabuuti oo ka hadashay eedeynta Villa Soomaaliya

MOGADISHU, Soomaaliya - Diyaaradda Turkish Airlines oo waday 40 qof oo uu kamid ahaa Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa dib loogu celiyay maagalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo markii hore ay diyaaraddu  kasoo kicitintay. Inkastoo khilaaf uu ka jiro tirada rasmig ah ee la saarneyd diyaaradda Fahad Yaasiin oo  ilo wareedyada qaar tilmaamayaan inay dhammayeen lix qof.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout ayaa bartiisa twitter-ka ku daabacay, in dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay, ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

Xoghayaha Guud ee xisbiga RPP, ahana Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Djibouti Ilyas Mousa Dawaleh ayaa isna bartiisa twitter-ka kaga jawaabay eedda ka timid madaxtooyada Soomaaliya.

“Maaddaama aad tahay sarkaal sare oo ka tiran Villa Somalia iyo Isu duwaha warbaahinta, waxaan si walaaltinimo leh kaaga codsanayaa inaad ka joogsatid haddallada aan habbooneyn ee aan salka lahayn. Waxaa kuu wanaagsan inaad xaqiiqada raadisid. Djibouti waxay dhawaan soo saari doontaa hadal rasmi ah oo ka soo baxa Wasiirka Arrimaha Dibadda.” ayaa lagu yiri fariinta wasiir Dawaleh.

Hay’adaha amniga ayaa Fahad Yaasiin ku eedeeyay inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.