Jabuuti oo ka Jawaabtay eedeyntii wasiir Dubbe u jeediyay

Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay eeddii uu u jeediyay wasiirka warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe

Warar Keydmedia Online
Jabuuti oo ka Jawaabtay eedeyntii wasiir Dubbe u jeediyay

DJIBOUTI, Jabuuti - Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay eeddeei wasiir Dubbe hawada umariyay, taasoo uu ku sheegay in dowladda Jabuuti ay faragalin ku sameysay go'aankii golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo la hadlayay warbaahinta ayaa yiri “Jabuuti waxay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,

Waxa uu wasiirku ka hadlay waxyaabaha dowladda Jabuuti u sameysay dowladda Soomaaliya, waxa uuna yiri “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].